Dhuusamareeb (soomaalinews.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa ka wada kulamo mira-dhal ah oo la xiriira dagaalka Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug, kaasi oo u daarna dardar-gelin howl-gallada madaxweynaha u joogo halkaasi.
Xasan ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisada Al-Shabaab kaga harsan yihiin Galmudug.
Sidoo kale waxa uu ku booriyay in ay ka hortagaan qorsheyaasha kooxda ku kala qeybinayso dadka deegaanka, si ay u helaan maalmo ay kusii carqaladeeyaan nolasha iyo horumarka bulshada.
Sida ay ogaatay soomaalinews.com, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo reer Galmudug ayaa wacad ku maray in gacanta la saaro kooxda Al-Shabaab, lana soo afjaro si wejiga labaad ee dagaalka loo guda-galo, kaasi oo uu dib u dhac ku yimid.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddoo ka badan toddobaad u jooga deegaanada Galmudug abaabulka howl-gallada deegaanka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeelanayay odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.
Galmudug ayaa laf dhabar u ah qorshaha cirib-tirka Khawaarijta, sida uu sheegay madaxweyne Xasan, oo isagu xooga saaraya in dadka deegaanka ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyi-gelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga ciidama qalabka sida.
Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa dhankooda ballan-qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira-dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada.
Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore.
Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulkaasi.