Dhuusamareeb (soomaalinews.com) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug, isagoo kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Alshabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka iyo taageridda dowladda.
Sidoo kalena ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug waxay sheegeen in muhiimad gaar ah ay siinayaan nabadda ay u baahan tahay bulshada Galmudug oo hadda dowladda dhexe ay diyaar ula tahay inay ku garab siiso.
Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howlgallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore.
Dagaalka dalka Soomaaliya looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab waxay dowladdu qorsheysay inuu yeesho wajiyo kala duwan, hadda waxaa socda wajigii koowaad oo soo bilowday markii dib loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana Faise Two loo gudbayaa markii la xoreeyo gobollada dhexe goobaha ay Al-Shabaab ka joogaan.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa u diyaarsan duulaanka kooxda looga xoreynayo dhulka ay heystaan, sidoo kale waxaa jira ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo ka garab dagaalami doona ciidamada qaranka.
Ugu yaraan 10 kun oo askari ayaa u diyaarsan dagaalka maalmaha soo socda la qorsheynayo in al-Shabaab looga xoreeyo magaalooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladdu.