Muqdisho (soomaalinews.com) – Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS, ayaa shaaciyay in dowladdiisa ay la kowsatay xaalad aad u murugsan oo amni iyo ciidan si weyn u kala qeybsan oo faraha kula jiray siyaasadda.

“Markii xilka dalka la ii doortay bishi May 2022, amniga dalka waxaa uu ku sugnaa xaalad aad u murugsan. Waxaan la kowsannay oo aan dhaxalnay ciidan si weyn u kala qaybsan oo faraha kula jira siyaasadda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in durbadiiba ay dowladdiisa qaaday tallaabooyin uu ku macneeyay “dhiig-joojin” iyo kuwa ku saleysan istraatiijiyada mustaqbalka dhow iyo midka fogba.

“Maanta oo aan xilka hayno muddo sannad ah, waxaan ku guuleysannay inaan xaalad middi hore aad uga wanaagsan oo lagu faani karo suurtagelinno. Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda. ”

“Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah. Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al-Shabaab.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka shanqadhiyay in dhawaan uu bilaaban doono wejiga 2-aad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu sheegay inuu noqonayo midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab haddii ALLE oggolaado.

“Khawaarijta Al-Shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-Shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qayb-qaato.”

“Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-Shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.”

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynuhu sheegay in dagaalka Al-Shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara, “Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-Shabaab.”





Source link