Waxa la soo saaray isku aadka wareega Group-yada tartanka champions Leageu xilli ciyaareedka cusub.
Tartanka ayay ka soo bexeen kulamo xiiso iyo xamaasad leh oo ay taageerayaashu si weyn u sugayaan.
Kooxaaha Man United iyo Bayern Munich ayaa isaga hor iman doona Group halka ay Newcaste, PSG, Ac Milan iyo Dortmund isku Group noqdeen.
Hadaba waxa aan halkan ka soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay isku aadka.
1.Newcastle United ayaa wajihi doonta mid kasta oo ka mid ah Paris Saint-Germain, Borussia Dortmund iyo AC Milan markii ugu horeysay taariikhdeeda tartan rasmi ah.
2.FC FC København guushii ugu horeysay abid ee UEFA Champions League waxay ka badisay Manchester United (1-0 bishii November 2006).
3.Kaliya Barcelona (5) ayaa Manchester United laga badiyay kulamo badan oo Champions League ah marka ay ka hor tagayso Bayern Munich, inkastoo mid ka mid ah labadii kulan ee ay ka badiyeen uu ahaa inay qaadaan koobka 1999kii.
4.Qaabka uu hadda u socdo tartanka (ilaa 2003-04), Manchester City ayaa ah kooxda kaliya ee ku guulaysata koobka UEFA Champions League iyada ka soo baxday Group-ka G.
5.Dhammaan 32-da kooxood ee u soo baxay xilli ciyaareedkan UEFA Champions League, Lens ayaa ah kooxda kaliya ee aan lahayn ciyaartoy hore uga soo muuqday tartanka.
 

Related



Source link