Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay koobka FA Cup-ka iyaga oo 2/1 ku garaacay kooxda ay jaarka yihiin ee Man United.
Goolal uu dhaliyay Ilkay Gunadogan ayaa Man City ku hogaamiyay ku guulaysiga FA Cup-ka markii 7-aad ee taariikhdooda.
hadab waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqooqooyinka laga diwaan galiyay kulanka final-ka FA Cup-ka.
1.12 ilbiriqsi, goolkii Ilkay Gundogan waa goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa abid laga dhaliyo Final-ka FA Cup-ka isagoo garaacay rikoorkii hore ee Louis Saha ee 25 ilbiriqsi 2009.
2.Waa markii ugu horeysay taariikhda finalka FA Cup-ka ay gool dhaliyaan labada kabtan ee labada kooxood ee kulanka.
3.Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa caawiyay 28 gool xilli ciyaareedkan intii uu ciyaarayay Man City waana in ka badan 12 xiddig kasta oo premier League ah tartamada oo dhan.
4.Man City ayaa ku guulaystay FA Cup-ka markii 7-aad ee taariikhdooda waana kooxda 6-aad ee ugu guulysiga badan taariikhda tartanka.
5.Kooxda Man City ayaa markii 2-aad ee taariikhdooda ku guulaystay laba koob oo maxali ah kadib markii ay ku wada guulaysteen FA Cup-ka iyo Premier League.
6.Man United ayaa ah kooxda ugu badan ee lagu garaacay final-ka FA Cup-ka taariikhda tartanka iyaga oo 9 jeer lagu garaacay final-ka tartanka.
7.Kooxda Man United ayaa sidoo kale haatan laga badiyay 4 ka mid ah 5-tii final ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
8.Isagoo jira 32 sano iyo 222 maalmood, Ilkay Gündogan ayaa maanta noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee laba gool ka dhaliya finalka FA Cup tan iyo Nat Lofthouse 1958.
9.Pep Guardiola ayaa noqday macalinkii seddexaad ee kubada cagta Ingariiska ku guulaysta laba jeer League iyo FA Cup xilli ciyaareedyo kala duwan (sidoo kale 2018-19) kadib Arsene Wenger (1997-98 iyo 2001-02) iyo Alex Ferguson (1993-94, 1995-96) iyo 1998-99)

Related



Source link