Wolves ayaa guul 2/1 ah ka gaartay Man City oo marti ugu aheyd kulan ka tirsan wareegga 7-aad ee horyaalka Ingiriiska
Wolves ayaa nasiinada ugu dirtay Man City gool  uu  si qaldan isaga dhaliyay Ruben Dias  daqiiqadii 13-aad
Kooxda garoonka waxa ay ku wacnaayeen rogaal celiska iyaga oo ka weerarayay dhanka garabka middig
City inkastoo kubadda maamulkeeda ku sareeyeen mararka qaarna gaarayeen %69 hadana ma jirrin fursado ay abuurayeen
Wolves waxa ay ku fiicanaayeen kubad soo ceshada , daafac ahaanna waa isu dhaawayeen
Sidaas oo ay tahay City waa laga filan karay goolal marka la eego in kubadda cagtooda ku badaneyd balse waxa ay ka sheganayeen mararka qaar in ay ku yareyd dhismaha baasaska gaagaaban .
Soo laabashadii , Wolves waxa ay ku dhiiranayeen in ay weeraraan City kuwaas oo dhankooda laga dareemayaa in ay ku adag tahay in kubadda si sax ah u soo dhaqaajiyaan.
Sidaas oo ay tahay City ma niyad jabin isku dayana waa sameynayeen ilaa ay keeneen goolka bar bar dhaca daqiiqadii 58-aad waxaana shabaqa dhigay Alavarez .
Ka dib goolkaas , cadaadis ayay bilaabeen kooxda Pep waxa ayna u dhawaanayeen gool labaad balse daqiiqadii 65-aad waxaa si cajiib ah uga bad baadiyay goolhayaha Wolves
Wolves waxa ay ku wacnaayeen kubadaha baxsadka ee rogaal celiska ah iyaga oo ka faa`ideysanayay daafaca City oo si ka bad badis ah banaanka ugu soo baxayay waxa ayna ku heleen gool labaad daqiiqaddii 66-aad , waxaana xusid mudan in tababare Pep kulankaan ka hagayay kuraasta sare .
Dhamaadkii City kubadda waa ku sareeyeen balse kooxda Wolves daafac darbi ah ayay sameysteen iyadoo wiilasha Pep dagaal ugu jireen in ay helaa meel ay kubadda shabaqa u marsiiyaan .
Ciyaartooyda City waxaa laga dareemayay daal inkastoo dagaal ugu jireen goolka bar bar dhaca balse Wolves aad  ayay u foojignaayeen , waxaana xusid mudan in  ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay City guul darro ku qaabishay
 
 
 
 
 
 

Related



Source link