William Gallas ayaa ku sheegay in wax qabadkii quruxda badnaa ee Martin Odegaard ee khadka dhexe ee Arsenal ay xasuusinayso Dennis Bergkamp waqtigiisii ​​ugu fiicnaa.
Xiddiga Bergkamp ayaa lagu tirayaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda Arsenal isaga oo door muhiim ah ka ciyaaray wakhtigii dahabiga ahaa ee kooxda Arsenal.
Xiddiga Odegaard ayaa dhinaciisa ku jira wakhtigii ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed isaga guulo badan ku hogaamiyay kooxda xilli ciyaareedkii hore.
Odegaard ayaa shalay mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Arsenal waxana uu qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda.
“Waa war wanaagsan in Arsenal ay heshiis cusub ka saxiixday Odegaard”kabtankii hore ee Asenal Gallas ayaa u sheegay Genting Casino.
“Waa kubad sameeye, waana ciyaaryahanka kooxdan Arsenal ee la filayo inuu furo kulamo adag isaga oo adeegsanaya tayadiisa”.
“Baaskii uu u soo saaray Saka ka hor intii uuna Trossard gool u badalin kulankii Everton ayaa ahaa mid cajiib ah”.
“Waxay ila tahay inaad Odegaard barbar dhigi karto Dennis Bergkamp. Weli ma joogo heerka Bergkamp – Bergkamp wuxuu ahaa ciyaaryahan aan la aamini karin Arsenal – laakiin Odegaard ayaa i xasuusiyay isaga. Odegaard waxa uu isbedel ku samayn karaa tayadiisa”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link