Kooxda West Ham ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal ka diiday dalabkii furitaanka ahaa ee ay Gunners ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice.
Arsenal ayaa tallaabo Rasmi ah u qaaday saxiixa Rice si ay uga dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagagan.
Gunners ayaa Kooxda West Ham miiska u saartay lacag dhan 80 milyan oo euro iyo waliba lacago gunooyin ah si ay u helaans axiixa xiddiga khadka dhexe.
Laakiin sida laga soo xigtay Sky Sport, West Ham ayaa diiday markiiba dalabka Arsenal ay ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Isla Sky Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal dalab cusub kula laaban doonto kooxda West Ham maalmaha soo socda.
Arsenal ayaa la filayaa in ay kor u qaado dalabka ay West Ham diiday iyada oo Rice yahay bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Related



Source link