Milkiilaha West Ham David Sullivan ayaa xaqiijiyay in Declan Rice uu ciyaaray kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee kooxda ka dib markii uu ku guuleystay Europa Conference League.
“Waxaan u maleynayaa inay tahay inuu noqdo [kulankiisii ​​ugu dambeeyay], waxaan u balan qaadnay inuu tagi karo, qalbigiisa ayuu galiyay in uu boxo, wakhtiga soo socda waa in aan helno badalkiisa ama dhawr badal”Sullivan ayaa u sheegay talkSPORT.
“Ma ahan wax aan dooneyno inay dhacaan, waxaan u bandhignay £200,000-toddobaadkii 18 bilood ka hor, wuu diiday, waxay ku qaadatay 10 milyan si uu u sii joogo West Ham wakhtigaas, Ma sii haysan kartid ciyaaryahan aan rabin inuu halkaas joogo”.
“Waxaan u maleynayaa in dalabyadu ay bilaabi doonaan inay yimaadaan maanta, waxaa jira seddex ama afar kooxood oo soo bandhigay xiisaha, laakiin ixtiraamka West Ham, inta aan weli ciyaareyno, may soo bandhigin dalabkooda taasi ma ahan waxa ay koox fiican samayso”.
Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin Arsenal, Chelsea, Mn City, Man United iyo Bayern Munich.

Related



Source link