Chelsea Weeraryahankeeda Kai Havertz ayaa lagu soo waramayaa inuu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo u wareegitaanka Arsenal haddii qiimaha lagu heshiiyo.
Havertz ayaa hadda soo gaadhay dhamaadka xilli ciyaareedkiisii saddexaad ee Stamford Bridge,wuxuuna dhaliyay 32 gool iyo 15 caawin 139 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Tan iyo dhamaadkii xilli ciyaareedka, waxaa muuqatay in 24-sano jirkaan uu soo afjari karo waqtigiisa kooxda Galbeedka London.
Real Madrid ayaa markii hore muujisay xiisaha ay u qabto Havertz, kaliya waxay diiday inay bixiso qiimiha ay doonaysay Chelsea.
Arsenal ayaa dhawaan muujisay inay ku xifaaltami doonto saxiixiisa, waxaana loo badinaya in isbuuca xigga ay u dhaqaaqayso saxiixisa.
Related