Saxiixa xagaaga ee Manchester United ee kaga soo biiray Inter Milan ayaan wax casbi ah ka qabin ku laabashada champions League.
Goolhaye Andre Onana ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay isla markaas kalsooni ku qabo xilli ciyaareedka cusub.
Ciyaaryahanka reer Cameroon ayaa ka mid noqon doona kooxda Arbacada la ciyaari doonta Bayern Munich meel ka baxsan gurigeeda.
Mar wax laga weydiiyay noloshiisa Man United, wuxuu u sheegay suxufiyiinta: “Hagaag, waxaan ahay ciyaaryahan aad u xamaasad badan, wax badan ayaan ka rabaa ciyaartoydeyda iyo daafacyadayda. Laakiin sidaan had iyo jeer idhi, waxan ku wada jirnaa. Ka mid noqoshada kooxdan weyn”.
“Manchester United waa koox cajiib ah, waa weyn, Waan ku faraxsanahay inaan halkaan joogo Beddelka David (De Gea) ma ahan wax sahlan. Waxaan isku dayaa inaan sameeyo inta karaankayga ah dabcan”.
“Bilawga xilli ciyaareedka ma ahan waxa aan rabnay, laakiin waxaan aaminsanahay fiicnaan doono, xaaladdu way isbedali doontaa, aad ayaan ugu kalsoonahay. Waan ogahay in wax walba ay hagaagi doonaan”.
Related