Weerar yahanka kooxda Real Madrid ee Rodrygo ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxda Barcelona si uu uga soo dhaqaaqo Real Madrid.
Xiddiga reer Brazil ayaa lagu qiimeeyaa in uu ka mid yahay xiddigaha da’yarka ah ee u soo kacaya kubada cagta waxana uu ku soo biiray Real Madrid sanadkii 2018 waxana uu kooxda Los Blancos u saxiixay heshiis ilaa 2025 ah.
Rodrygo ayaa sheegay in “dhab ahaantii wax walba la dhameeyay si uu ugu biiro Barcelona ka hor inta ayna Real Madrid heshiis la gaadhin Santos.
“Xaqiiqdii wax walba waa la dhameeyay si aan u saxiixo heshiiska, waxa aan aabahay waydiiyay, wax maka jiraan Real Madrid? ma jirin waxba”ayuu Rodrygo u sheegay Globo.
“Waxa aan waydiistay in aan sugo dhamaadka todobaadka sababta oo ah waxa aanu wada ciyaarnay kulan,waxa aan idhi ‘waan jeexjeexi doonaa, Real Madrid way i arki doontaa”.
“Aabahay ayaa igu xanaaqay, “Maad igu kaftamaysaa, Barcelona waxad la ciyaari doontaa Lionel Messi, waxana aad doonaysaa in aad sugtid”.
Related