Jude Bellingham ayaa sheegay in uu ku biirayo kooxda ugu fiican adduunka markii uu si Rasmi ah u noqday xiddig cusub oo Real Madrid ah.
Arbacadii, Los Blancos ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddiga reer England iyada oo ka dhigtay saxiixyada ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga.
Real Madrid ayaa lagu soo warmayaa in ay xiddiga ka bixisay lacag dhan 103 milyan oo euro iyo waliba 30 milyan oo Gunooyin ah.
Bellingham, oo lambarka shanaad u xiran doona kooxdiisa cusub ayaa ka hadlay bandhigiisa rasmiga ah ee khamiistii, waxaana uu shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu u dhaqaaqo kooxda Carlo Ancelotti.
“Waxaan rabaa in aan ku idhaahdo mahadsanid qof walba oo halkan jooga, qof kasta oo daawanaya online iyo guriga, waxaa jira dad badan oo ku mahadsan in ay halkan i soo gaadhsiiyeen Dortmund, Madaxweynaha Real iyo qoyskayga”.
“Waa maalinta ugu muhiimsan nolosheyda sababtoo ah waxaan imaanayaa kooxda ugu fiican adduunka, sababta aan u idhi maanta waa maalintayda ugu fiican sababtoo ah Real Madrid waa kooxda ugu fiican taariikhda ciyaarta”.
Related