Kulanka ugu xiisaha badan premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Tottenham iyo Man United kulan ka dhici doona garoonka Tottenham Hotspur Stadium.
Tottenham ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guushoodii ugu horaysay ee horyaalka premier League kadib markii ay bar-baro ku bilowdeen xilli ciyaareedka.
Dhinaca kale Man United ayaa doonaysa in ay gaadho guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League kadib markii ay guul ku bilowdeen horyaalka.
Kulanka: Tottenham Vs Man United
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 7:30
Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Guusha kaliya ee Tottenham ay ka gaartay sagaalkii kulan ee ugu dambeysay horyaalka ee ay wajahday Manchester United waxay ahayd 6-1 oo dhacday October 2020.
Red Devils ayaa badisay labo jeer, labo jeerna barbaro ayay ku galeen garoonka Tottenham Hotspur Stadium – iyaga iyo Liverpool ayaa ah kooxaha kaliya ee aan wali guuldaro la kulmin kulan Premier League ah.
Wadarta guud ee Man Utd 39 guul 62 kulan oo Premier League ah oo ay wajahday Spurs waa rikoorka guulaha ugu badan ee ay ka gaadhay koox si la mid ah Everton.
Manchester United ayaa badisay kulankoodii furitaanka Premier League ee ay martida ahaayeen hal kulan oo ka mid ah shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, iyagoo 3-2 ku garaacay Brighton 2020.
Related