Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo dhamaystiraya saxiixa xiddiga Wataru Endō kaas oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Liverpool.
Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in uu Wataru Endō tijaabada caafimaadka u marayo kooxda Liverpool.
Wataru Endō ayaa haatan ku sugan Liverpool si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Liverpool inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Xiddiga Wataru Endō ayaa noqon doona saxiixii 3-aad ee ay Liverpool samayso suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo u arka badalka Jordan Henderson.
Liverpool ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay saacadaha soo socda ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Wataru Endō si uu diyaar ugu noqdo kulanka Sabtida.

Related



Source link