Dhuusomareeb (soomaalinews.com) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ahna Musharax u taagan tartanka doorashada madaxtinimo ee Galmudug 2024, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud (Qaaf) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ka digay qorshaha muddo kororsiga ee madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ).

Cabdikaafi ayaa sheegay muddada halka sano ah ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug uu ugu kordhiyay Qoor Qoor ay tahay mid ka soo horjeeda Dastuurka iyo heshiiska beelaha wada dega Galmudug, taasoo uu sheegay inay horseedeyso qalalaase siyaasadeed, amni darro iyo fowdo.

Baarlamaanka Galmudug ayaa fadhi uu yeeshay 13-kii bishii September sanadkii 2022-kii waxay muddo xileedka madaxtinimada Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ahayd muddo 4 sano ah taasoo ku eg 2 Febraayo sanadka 2024 ka, ku kordhiyey muddo 1 sano ah wuxuuna ka dhigay muddo 5 sano ah.

Musharax Cabdikaafi Qaaf ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin, kana soo horjeeda dastuurka iyo nidaamka dimoqraadiga, wuxuuna shacabka Galmudug iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka uu ku wargeliyay in wixii dhibaato ah iyo qalqal siyaasadeed ee ku yimaada hanaanka dowladnimo ee Galnudug uu masuuliyadeeda qaadi doono Axmed Qoor Qoor.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ahna Musharax u taagan tartanka madaxweyne ee Galmudug ayaa sheegay in muddadii uu kursiga ku fadhiyay Qoor Qoor ay dib u dhac la kulantay Galmudug, gaar ahaan adeegyada bulshada ee laga maarmaanka ah.

Wuxuu ugu baaqay Shacabka Galmudug inay kasoo horjeestaan muddo kororsiga Qoor Qoor taasoo uu tilmaamay inay ka soo horjeedo Dastuurka iyo heshiiska Beelaha wada dega Galmudug.

Aweys Foodeey
Nairobi, Kenya





Source link