Chelsea ayaa ah kooxda samaysay iibka ugu badan ama kooxda iibisay xiddigaha ugu badan suuqa xagaaga.
Kadib markii ay suuqa galisay wax ka badan 600 milyan oo euro xagaagii hore, Chelsea ayaa iska iibisay xiddigo badan inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Xiddigo ay ka mid yihiin Havertz iyo Mount ayaa isaga tagay kooxda.
Chelsea ayaa Havert uga iibisay Arsenal lacag dhan 75 milyan oo euro halka ay Man United ka qabatay 62 milyan markii ay ka iibisay Mount.
Sidoo kale kooxda ayaa xiddigahan ku iibisay Mateo Kovacic (€29.1m to Manchester City), Kalidou Koulibaly (€23m to Al-Hilal), Christian Pulisic (€20m to AC Milan), Edouard Mendy (€18m to Al-Ahli), Ruben Loftus-Cheek (€18.5m to AC Milan), and Ethan Ampadu (€8.1m to Leeds United) sidoo kale Kepa ayaa amaah €1m ah ugu biiray Real Madrid.
Guud ahaan chelsea ayaa suuqa ka soo xeraysay lacag dhan 253.9 milyan oo euro xilli ay xiddigo badan qaab bilaash ah isaga fasaxday.
RB Leipzig ayaa ah kooxda 2-aad ee lacagta ugu badan iibisay xagaagan iyada oo ay ka tageen xiddigaha Josko Gvardiol, Dominik Szoboszlai iyo Christopher Nkunku waxana ay iibisay xiddigo ku kacay 239.2m.
Atalanta ayaa ah kooxda xigta iyaga oo suuqa xagaaga iibiyay xiddigo lacagtoodu ku kacayso l82.9.
Halkan Hoose Kaga Bogo 10-ka kooxood ee lacagta ugu badan ka helay suuqa xagaaga:
Kooxda
Lacagta ay soo xeraysay
1. Chelsea
€254.9m
2. RB Leipzig
€239.2m
3. Brighton
€186.8m
4. Atalanta
€182.9m
5. Southampton
€174.8m
6. West Ham
€156.4m
7. Ajax
€154.9m
8. Inter Milan
€130.25m
9. PSG
€140m
10. Bayern
€130.8m

Related



Source link