Muqdisho (soomaalinews.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga howlgalka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Souef Mohammed El-Amnie.

Danjiraha oo marka hore ka tacsiyeeyay askartii ku shahiiday weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Shabaab shalay ka geystay kuliyaddda tababarrada ciidamada ee Jaalle Siyaad.

Danjire Souef Mohammed El-Amnie ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay shaqada ATMIS, halka ay mareyso iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaariijta ah.

Sidoo kale kulanka waxaa danjiraha ku wehlinayay taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Gen. Sam.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haatana ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay war ka soo saaray weerarkaas ayaa si adag u cambaareeyay, isagaoo ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu soo qaaday ciidamada Xoogga dalka.

“Waxaan cambaareyneynaa falkii fuleynimada lahaa, naxariis darrada ahaa ee shalay dhibaatadaas lagu gaarsiiyay ciidamada qalabka sida ee Ummadda Soomaaliyeed u shaqeynaayay, waana ka xunahay,” ayuu yiri Aadan Madoobe shalay.

“Meesha shalay raggaasi lagu baabi’iyay meel la’iska imaan karo ma’aha, meel caadi ah ma’aha, meeshaas waxaa ka muuqata mas’uuliyad xumo ayaa ka muuqato, laakiin qaa’imiin inay arrintaas fududeeyeen shaki weyn ayaa igaaga muuqda arrintaas aniga, wax loo dulqaadan karana ma’aha,” ayuu yiri Aadan Madoobe oo xanaaqsan.

Ugu yaraan 25 askari ayaa lagu dilay qaraxaas halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, ciidankaas waxaa la sheegay in ku dhawaad 20 askari ay dhaawac halis ah yihiin.





Source link