Dhuusamareeb (soomaalinews.com) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee manta uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Qaban-qabadii ugu dambeysay ee shirka ayaa haatan ka socda Dhuusamareeb, ayada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.
soomaalinews.com Galmudug sidoo kale waxaa haatan ku sugan, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimaacale Madaale, kuwaas oo uu shalay magaalada kusoo dhaweeyay madaxweyne Qoor Qoor.
Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa isna maanta ka dagay Dhuusamareeb oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kaas oo ka qaybgalaga shirweynaha gola wadatashiga qaranka.
Saacadaha soo socda waxaa sidoo kale lagu wadaa in degmada Dhuusamareeb uu gaaro madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana la ogeyn in shirkaan uu ka soo qeyb geli doono madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shirarkii hore ka maqnaa.
Arrimaha looga hadlay shirkan waxaa kamid ah ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo arimo quseeya ajandayaasha heer qaran.
Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aami doono qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo Al-Shabaab.
Gabagabada sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan, waxyaabaha ay isla go’aamiyaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Si kastana, Shirka golaha wadatashiga qaranka ee Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, xilli haatan guullo waa weyn laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada Galmudug, waxaana shalay oo ugu dambeysay la xoreeyay magaalada Ceelbuur.