Mario Gotze ayaa ka shalaynaya in uu iska diiday Liverpool bilowgii xirfadiisa ciyaareed.
Kadib markii uu ka soo baxay Akademiyada Borussia Dortmund, waxa uu ku biiray kooxda Bayern Munich sanadkii 2013.
2016, wuxuu ku laabtay Dortmund, laakiin wuxuu sheegay inuu ka qoomameynayo go’aankiisa.
“Malaha go’aanka aan dib ugu laabanayo Dortmund, waxay ahayd inaan qaato go’aan ka duwan markaas, waxaan haystay hal ama laba dookh oo kale, waxan Klopp ku booqday Liverpool”ayuu Gotze yidhi.
“Waxa ay ahayd in aan doorto ku biirista Liverpool halkii aan ku soo laabtay Dortmund”.
Klopp ayaa Gotze doonayay in uu ka dhigo saxiixyadiisii ugu horeeyay markii uu noqday tababaraha cusub ee kooxda Liverpool.

Related



Source link