Mikel Arteta ayaa sheegay inuusan wali go’aansanin halka Kai Havertz uu uga ciyaari doono kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.
Gunners ayaa bilowday kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo bar-baro 1/1 la galay kooxda Nurnberg Waxana badal ku soo galay xiddiga cusub ee Arsenal Kai Havertz.
Havertz ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo kulankiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaro kooxda Arsenak.
Arteta ayaa 65 milyan ka soo bixiyay xiddiga waxana uu sheegay in uu khadka dhexe ka ciyaarsiin doono xiddiga markii lagu dhawaaqay heshiiska xiddiga.
Laakiin Arteta ayaa haatan sheegay in uuna wali go’aamin booska uu Havertz ka ciyaari doono xilli ciyaareedka cusub.
Mar la weydiiyay halka uu in uu Havertz ka ciyaari karo Arteta ayaa yidhi”Waan arki doonaa. Waa inaan aragnaa sida uu ula qabsado oo aan isku baranno oo aan u dhisno xiriir”.
“Kubada cagtu waxay ku saabsan tahay taas, waqtiguna wuxuu sheegi doonaa halka uu uga ciyaari karo kooxda”.

Related



Source link