Walaalka Jurrien Timber ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga lala xidhiidhinayo kooxda Arsenal Isaga oo sheegay in uuna hubin mustaqbalka xiddiga.
Gunners ayaa haatanba laga diiday dalab ay ka gudbisay xiddiga 22 jirka ah laakiin Gunners ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga.
Waxa la rumaysanyahay in ay Arsenal haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga inkasta oo uu xiiso ka helayo Bayern Munich.
Kadib markii uu kabtan u noqday xulka qaranka Netherlands ee 21 jrada Quinten oo ah Walaalka Timber ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalka xiddiga.
Isaga oo la hadlaya NOS ayaa la waydiiyay in xiisaha Arsenal ee Timber in uu yahay mid dhab ah waxana uu ku jawaabay”Haa”.
Kadib waxa uu sii raaciyay”Laakiin ma hubo in uu dalab Rasmi ah uga yimid”.
Related