Manchester United ayaa isku dayi doonta inay dhamaystirto heshiiska Mason Mount bilowga todobaadka soo socda iyada oo xiddigu tijaabada caafimaadka u marayo kooxda chelsea Isniinta.
Kadib markii laga diiday 3 dalab kuna hanjabtay in ay isaga bixi doonaan wadahadalada ay kula jiraan chelsea, Red Devils ayaa ugu dambayn khamiistii chelsea kala heshiiyay saxiixa xiddiga.
Kooxda Man United ayaa bixin doonta lacag dhan 55 milyan oo toos ah iyo 5 milyan oo guno ah si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay Telegraph, Mount ayaa maalinta Isniinta tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Man United si uu u dhamaystiro heshiiska
Iyada oo United todobaadka dambe bilaaban doonta isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, Mount ayaa diyaar u noqon doona tababarka.
Related