Kai Havertz ayaa rajeynaya inuu safto kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal todobaadkan.
Gunners ayaa Axadii u safartay Germany si ay ugu soo diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub waxayna Khamiista wajihi doonaan Nurnberg.
Havertz ayaa ka qayb ahaa 30 xiddig oo tababar ku qaatay garoonka Adidas ee Herzogenaurach.
Kooxda u safartay Jarmalka waxaa ka mid ah Ethan Nwaneri oo 16 jir ah iyo Myles Lewis-Skelly, kuwaas oo labaduba saxeexay oo saxiixay heshiisyo cusub.
Havertz iyo ciyaartoyda kale ee ciyaaray ciyaaraha caalamiga ah bishii June kaliya ayaa ku soo laabtay tababarka sabtidii.
Sidaas darteed wax qayb ah kama ciyaarin kulankii sabtidii ee ku dhamaaday bar-baraha 1/1 ah ee ka dhacay garoonka tababarka Arsenal
Havertz iyo ciyaartoyda kale ee caalamiga ah, sida Bukayo Saka, ayaa tababar la qaadan doona kooxda isbuucaan, waxaana go’aan laga gaari doonaa inay ciyaari karaan Khamiista iyo in kale.
Sii Akhriso: XASAASI: Calaamad Muujinaysa In Ay Al-Shabaab La Wareegtay Laasacaanood Oo La Helay.
Related