Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay soo gabagabeyso heshiiska daafaca RB Leipzig Josko Gvardiol ka hor inta aysan axada la ciyaarin Arsenal kulan ka tirsan Community Shield.
21-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu lacag badan ugu dhaqaaqi doono Etihad Stadium suuqa xagaagan waxaana la rumeysan yahay inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee daafaca Pep Guardiola.
Waxa la sheegay bishii hore in ay Man City heshiis la gaadhay xiddiga reer Croatia, laakiin madaxa Leipzig Marco Rose iyo agaasimaha isboortiga Max Eberl ayaa beeniyay wararkaas.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Man City ayaa si aad ah u riixay sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaarta.
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man City doonayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga ka hor inta aan la gaadhin Axada dambe oo ay Arsenal la ciyaari doonto kulanka Community Shield.
Related