Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Liverpool ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister sida ay sheegayaan Wararku.
Liverpool ayaa Alexis Mac Allister ka dhigaysa saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xagaaga iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe ee ay la dhibaatootay xilli ciyaareedkan.
Reds ayaa wadahadalo kula jirto xiddiga Alexis Mac Allister todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga.
Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Liverpool doonayso ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga Alexis Mac Allister si ay uga fogaato tartanka ay kala kulmayso kooxaha kale.
Isla saxafiga ayaa sheegay in ay Liverpool doonayso in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister bilowga bisha dambe ee June.
Related