Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay dhameystirto saxiixa weeraryahanka Chelsea Kai Havertz.
Xiddiga ayaa kaliya dhaliyay 47 kulan tartamada oo dhan waxana uu galayaa sanadkii 4-aad ee heshiiskiisa kooxda chelsea.
Iyada oo 2 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda waxa ay Blues aqbalaysaa dalabyada macquulka ah ee u imanaya xiddiga.
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga waliba ku fashilantay dalabkeedii ugu horeeyay.
Sida laga soo xigtay Saxafiga Fabrizio Romao, xiddiga ayaa si cad ugu sheegay chelsea in uu doonayo ku biirista kooxda Arsenal.
Arsenal ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga waxana ay Gunners ku rajo weyntahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga kadib fasaxa xulalka.
Related