Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay soo gabagabeyso heshiiska ay kula soo wareegeyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham United Declan Rice Isniinta.
Ka dib labo dalab oo fashilmay, Gunners ayaa la rumeysan yahay inay Hammers kala heshiisay 105 milyan oo eruo taasoo ka dhigeysa Rice inuu noqdo saxiixoodii ugu qaalisanaa abid.
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay bixiso 100 milyan oo euro oo toos ah iyo 5 milyan oo Guno ah taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu qaalisan ee reer England ee jooga dalka gudihiisa.
Si kasta ha ahaatee labada kooxood ayaa wali ka wadahadlaya sidii loo bixin lahaa lacagta iyada oo West Ham dalbanayso in lacagta 100 ka milyan ah lagu bixiyo 18-ka bilood ee soo socda.
Arsenal ayaa dhankeeda doonaysa in ay lacagta ku bixiso 5-ta sano ee soo socota taas oo keenaysa in ay wadahadaladu si culus u socdaan laakiin waxa jirta kalsooni ah in heshiiska la dhamaystiri doono.
Sida laga soo xigtay The Sun, Arsenal iyo West Ham ayaa rajo ka qaba inay soo gabagabeeyaan wada xaajoodyadaas bilowga toddobaadka soo socda, mana jirin wax khatar ah oo dhab ah oo ku saabsan inuu burburo heshiisku.
Arsenal ayaa doonaysa in ay saxiixa xiddiga ku dhawaaqdo maalinta Isniinta ee bari ah si ay muhiimada u siiso saxiixyada kale ee suuqa kala iibsiga.
Sii Akhriso: Xisbiga Waddani Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Arin Ee Lagu Xalin Karo Dagaalka Laasacaanood.
Related