Arsenal ayaa la filayaa inay soo gabagabayso heshiiska goolhayaha Brentford David Raya 24 ilaa 48 saacadood gudahood.
Gunners ayaa heshiis cusub ka saxiixatay Goolhaye Aaron Ramsdale bilowgii sanadkan laakiin Arsenal ayaa lumin karta Goolhayayaasha la tartamayay Ramsdale.
Goolhaye Matt Turner iyo Alex Runarsson ayaa laga yaabaa in ay isaga tagaan kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.
Arsenal ayaa sidaas darteed suuqa ugu jirta Goolhaye cusub oo la tartama Goolhaye Ramsdale xilli ciyaareedka dambe.
Kooxda ayaa Goolhayaha Brentford ee David Raya u calaamadsatay Goolhayaha bartilmaameedka u ah si ay ugu xoojiyaan kooxda.
Kooxda Arsenal ayaa heshiis la gaadhay Goolhayaha waxana ay xitaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixiisa.
Brentford ayaa Arsenla ka diiday dalabka 20-ka milyan ah laakiin Gunners ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa Goolhayaha 24 ilaa 48 saac ee soo socda.

Related



Source link