Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Decland Rice kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Arsenal ayaa Rice ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad waxana ay doonaysaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Arsenal ayaa diyaarinaysa dalabkii ugu horeeyay ee ay ka gudbinayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Deland Rice.
Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Arsenal dalabka furitaanka ah ee saxiixa Deland Rice ka gudbinayso bilowga bisha June ee soo socota.
Taas ayaa la macno ah in ay Arsenal dalabka ugu horeeya ka gudbin doonto saxiixa Rice todobaadka dambe marka uu dhamaadka xilli ciyaareedka.

Related



Source link