Rio Ferdinand ayaa jecel in uu arko Chelsea oo ku dhamaysata meel ka saraysa Arsenal xilli ciyaareedkan waxana uu sheegay in uuna arki karin Arsenal oo ka fiicnaanaysa sidii xilli ciyaareedkii hore iska dhaaf in ay ku guulaysato horyaalka.
Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii hore hogaaminaysay inta ugu badan horyaalka ka hor inta ayna horyaalka u waayin kooxda Man City.
Gunners ayaa si fiican u gashay suuqa kala iibsiga waxana ay samaysay saxiixyo cajiib ah oo uu ku jiro xiddiga Decland Rice.
Si kasta ha ahaatee Rio Ferdinand ayaa sheegay in uu doonayo in ay Arsenal ku dhamaysan doonto meel ka hoosaysa meesha ay chelsea kaga dhamaysato horyaalka”.
Isaga oo la hadlaya TNT Sport ayuu yidhi”Waan jeclaan lahaa in ay Arsenal ku dhamaysato meel ka hoosaysa Chelsea, laakiin ma dhacayso”.
“Arsenal waxa ay ahayd kuwo cajiib ah xilli ciyaareedkii hore, suuqa ayay mar kale si fiican u galeen”ayuu sii raaciyay.
Related