Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa u balansanaa in ay ciyaaraan kulan saaxiibtinimo saqdii dhexe ee xalay.
Laakiin kulanka ayaan u dhicin sidii la filayay kadib markii la kansalay kulanka saacado ka hor bilaabashada kulanka.
Kulanka ayaa loo balansanaa in uu ka dhoco garoonka Levi’s Stadium kulan saaxiibtinimo oo ay labada kooxood isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu fayras ku faafay qaybo badan oo ka mid ah xiddigaha kooxda Barcelona taas oo keentay in la Kansalo kulanka.
Tababarka ayaa si caadi ah u soxday maalmihii la soo dhaafay waxana la filayay in uu kulanku u dhoco sidii loo balansanaa.
Laakiin qar ka mid ah xiddigaha Barcelona ayaa dareemay calool xanuun daran taas oo keentay in ay Barcelona Kansasho kulanka.
Related