Declan Rice ayaa la bedelay waqtigii nasashada intii lagu guda jiray kulankii North London derby ee Arsenal ay la ciyaareen Tottenham iyada oo laga shaki qabo dhaawac kubka ah.
Rice ayaa ku bilowday ciyaarta ka hor inta aan qaybtii Nasashada lagu badalin xiddiga Kai Havert isaga oo doorbiday xiddiga reer Germany.
Qaybtii dambe ee ciyaarta waxa la arkay Rice oo kubkiisa lagu duubay baraf si loo dajiyo dhaawaca.
Ilaa haatan ma kala cada inta uu dhaawaca Rice leegyahay laakiin Arteta ayaa dareemay in uuna xiddigu sii ciyaari karin.
Rice ayaa Gunners kaga soo biiray West Ham iyadoo kooxda waqooyiga London ka dhisan ay garaacday kooxo badan oo xiiso u qabay xiddiga.
Related