Mason Mount ayaa go’aansaday inuu isaga tago Chelsea ka dib markii uu diiday qandaraas cusub oo uu ku sii joogayo Stamford Bridge.
Sida laga soo xigtay Telegraph, 24-sano jirkaan khadka dhexe ka ciyaara ayaa Manchester United ka doortay Liverpool kuna sii jeeda Old Trafford.
Xaqiiqda ah in Red Devils ay ciyaari doonto Champions League xilli ciyaareedka soo socda ayaa ‘qeyb muhiim ah ka ciyaartay’ go’aanka xiddiga reer England.
Liverpool ayaa si aad ah u doonaysay xiddiga reer England iyada oo uu Klopp taageero u yahay xiddiga khadka dhexe laakiin Mount ayaa iska diiday Reds.
Man United ayaa laga diiday dalabkii ugu horeeyay ee ayka gudbisay saxiixa Mount.
Mounta ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Man United waxana ay Red Devils haatan ku dhawdahay in ay dhamystirto saxiixiisa
Related