Man United ayaa todobaadkii hore xaqiijisay in Bruno Fernandes noqday kabtankooda 1-aad isaga oo masuuliyada ka badalay Harry Maguire.
Isagoo ka hadlayay go’aankii uu kaga xayuubiyay Harry Maguire kabtanka Manchester United, Erik ten Hag ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waxaan doortay Bruno [Fernandes] sababtoo ah waa dhiirigelin weyn”.
“Isagu waa tusaale, mar walba doonaya inuu noqdo ciyaaryahan kubbadda cagta ku wanaagsan, had iyo jeer aad u dadaala si uu u soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu sarreeya, marka waa xiddig ay ku daydaan xiddigaha kale ee kooxda”.
“Sidoo kale waa xiriiriye bulsho oo wanaagsan, sidoo kale aad ayuu ugu fiican yahay fahamka ciyaarta.”
Bruno ayaa xilli ciyaareedkii hore ahaa kabtanka kooxda Man United marka uuna Harry Maguire ciyaarayn kulamada kooxda.
laakiin xiddiga reer Portugal aya haatan si Rasmi loogu maagcaabay kabtanka 1-aad ee kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.
Sii Akhriso: Maamul Goboleedka Puntland Oo Eed Culus U Soo Jeedisay Madaxweynayaasha Muuse Biixi & Xassan Sheekh.
Related