Kooxda Man United ayaa u muuqata inay go’aansatay inay la soo wareegto xiddiga Chelsea Mason Mount suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.
Heshiiska Mount ee Stamford Bridge ayaa dhacaya sanadka soo socda, waxaana burburay wadahadaladii Blues ee ku saabsanaa qandaraas kordhinta.
Wararka ayaa sheegaya in xiddiga khadka dhexe uu heshiis shaqsi ah la gaaray United, kuwaasoo haatan diyaar u ah inay ku bixiyaan 50 milyan oo euro.
Si kastaba ha ahaatee ayaa sheegaysa in ay Man United iska ilowdo saxiixa xiddiga khadka dhexe maadama ay haysto xiddigo ka fiican.
Xogta Opta ayaa muujinaysa in xiddigaha khadka dhexe ee Christian Eriksen & Bruno Fernandes ay aad uga wax qaba fiicanyihiin xiddiga reer England.
Fernandes iyo Eriksen ayaa ku lug lahaa 0.37 iyo 0.22 gool 90kii daqiiqaaba marka loo bar-bar dhigo Mount oo ku lug lahaa 0.25 waxana uu wax yar ka fiicanyaay xiddiga Eriksen.
Si kastaba ha ahaatee, xiddigii hore ee Tottenham ayaa ka sarreeya xiddiga Chelsea ku dhawaad ​​dhammaan qeybaha kale ee ciyaarta si la mid ah kabtanka Man United.
Sawirkan Hoose kaga bogo is bar-bar dhiga Mount iyo xiddigaha Man United ee haatan:

Related



Source link