Kooxda Liverpool ayaa si gaar ah uga naxday shaqo ka caydhintii tababare Hansi Flick.
Tababare Hansi Flick ayaa laga caydhiyay shaqada tababaraha xulka qaranka Germany kadib guuldaradii ka soo gaadhay xulka qaranka Japan.
Warkan ayaa ah mid ka nixiyay kooxda Liverpool kuwaas oo wadnaha farta ku haya.
Xulka qaranka Germnay ayaa haatan bilaabaya raadinta tababare cusub oo shaqada ka badala tababare Hansi Flick.
Liiska tababarayaasha u sharaxan in ay qabtaan xulka qaranka Germany waxa hogaaminaya tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp.
Xidhiidhka FA-ga ayaa sheegay in Tababare Klopp yahay tababarayaha ay ku riyoonayaan in uu noqdo tababarhaa cusub ee xulka qaranka.
Related