Kooxda Arsenal ayaa si aad ah ugu faraxday kaadhka cas ee loo taagay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Rodri.
Rodri ayaa kaadhka cas ee tooska ah loo taagay intii ay socotay kulankii ay Man City ka badisay kooxda Nottinham Forest.
Rodri ayaa madax ku dhuftay xiddig u ciyaara kooxda Nottingham Forest taas oo keentay in loo taago kaadhka cas kadib markii dib loogu laabtay VAR.
Xiddiga khadka dhexe ayaa sidaas darteed ku maqnaan doona ganaax kulanka Arsenal ee horyaalka premier League kadib kaadhka cas.
Rodri ayaa Ganaaxa ku seegi doona 3 kulan oo maxali ah sidaas darteed waxa uu ka maqnaan doonaa 3 kulan oo uu ku jiro kulanka Arsenal.
Man City ayaa Arsenal la ciyaari doonta 8 bisha dambe ee October kulan ka tirsan horyaalka premier Legaue.
Related