Andre Onana ayaa si rasmi ah u dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Manchester United isaga oo kaga soo biiray kooxda Inter Milan.
27-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay United usbuucyadii la soo dhaafay ka dib bixitaankii David de Gea ayaa la xaqiijiyay horaantii bishaan.
Fiidnimadii Khamiista, United ayaa ku dhawaaqday in goolhayaha ay kala soo wareegeen Inter iyaga oo ka saxiixday heshiis ilaa sanadka 2028 ah.
Marka uu u saxiixo kooxda, waxaa la xaqiijiyay in Onana uu xiran doono lambarka 24 ee xilli ciyaareedka soo socda.
Taageerayaal badan ayaa su’aal ka keenay sababta Onana uu u doortay inuusan xiran Lambarka 1-aad kadib markii uu David De Gea ka tagay kooxda.
Inkastoo sababta saxda ah uusan sheegin Onana qudhiisa, wuxuu u soo xirtay 24-ka funaanadda Inter iyo Ajax.
Sidaas darteed waxa uu doortay Lambarka No.24 si uu u sii wado xidhashada maaliyada khaaska ah.
Sii Akhriso: Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Kitaabkii Quraanka Ee Lagu Gubay Sweden.
Related