Hargeysa (soomaalinews.com) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacday doorashada Gudoonka Baarlamaanka Somaliland, Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaana ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u codeeyeen 35

Labo sannadood ka hor ayuu xilkaan u tartamay Faratoon oo markaasi guul darro kala kulmay. Waxaa markaas ay tartameen Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ka guuleystay kaas oo helay 42 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Hase yeeshee Cabdirisaaq ayaa banneeyay jagadii guddoomiyaha ee xilligaas oo loo doortay sababo la xiriira dagaalka Laascaanood ka socda ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah.





Source link