Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa aqbalay ganaaxii dheeraadka ahaa ee dusha laga saaray kadib markii uu si xun uga fal celiyay kaadhkii casanka ahaa ee loo taagay kulankii Newcastle.
FA-ga ayaa ganaax hal kulan oo dheeraad ah iyo waliba lacag dusha ka saaray Kabtanka Liverpool kadib markii uu si xun ula hadlay garsoorihii u taagay kaadhka cas.
Van Dijk ayaa haatan seegaya kulanka Wolves ee horyaalka premier League waxana sidoo kale uu bixin doonaa lacag ganaax ah.
“Kadib markii lagu dhawaaqay go’aanka, waxa aan si cad u qaadanayaa go’aanka, waxa uu ahaa kaadhkii ugu horeeyay ee casaanka ahaa ee xirfadayda Liverpool sidaas darteed waan niyad jabay”.
“Isla markiiba Raali galin ayaan siiyay garsoorihii ciyaarta waxana aan qaadanayaa masuuliyada buuxda, haadatn horay ayaa uga soconayaa arintaan waxana aan taageeri doonaa saaxiibadayda”.
Van Dijka ayaa diyaar u noqon doona kulanka xiga ee ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda LASK kulan ka tirsan tartanka Europa League.
Related