Garoowe (soomaalinews.com) – Waxaa meel gaba-gabo ah mareysa tirinta codadka doorashada dowladaha hoose ee Puntland, taasi oo bilaabatay kadib markii ay codeynta soo xirantay lixdii fiidnimo ee xalay.

Natiijada hordhaca ah ee lasii daayay ayaa waxay muujinaysa in ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka, gaar ahaan Kaah iyo Mideeye oo la sheegay inay yihiin labada urur siyaasadeed ee codadka ugu badan ka helay doorashooyinkii shalay dhacay, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.

Gobolka Bari oo ah meelaha codadka ugu badani yaaleen waxaa natiijada hordhaca ah ay muujinayaan in ururka Mideeye uu yahay ururka helay codadka ugu badan. Natiijooyinkan oo ahayn kuwo rasmi ah ayaa waxay tilmaamayaan in ururka Mideeye uu doorashada Boosaaso ka helay codadka illaa 14 xildhibaan.

Tirada Xildhibaanadan uu helay Mideeye, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah ayaa ah ku dhawaad kala bar aqlabiyada golaha deegaanka ee degmada Boosaaso.

Ururada Kaah iyo Mideeya ayaa sidoo kale lasoo warinaya inay hoggaaminayaan codadka ugu badan ee tuulooyinka hoosyimaada degmada Boosaaso. Sidoo kale ururada Sincad iyo Mustaqbal ayaa kamid ah ururada codadka badan helay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gobolka Mudug uu hoggaaminayo urur siyaasadeedka KAAH, wuxuuna helay 15 xildhibaan codadkiisa, sida ay muujinayso natiijada hordhaca ah ee codadka la dhiibtay.

Si kastaba, Marka laga imaado natiijada hordhaca ah ee kasoo baxeysa doorashada dowladdaha hoose ee Puntland, waxaa la filayaa in maanta uu guddiga doorashada Puntland ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashadan, kadib marka la dhameeyo tirinta codadka degaanada qaar oo aan weli la dhamayn.





Source link