Manchester United ayaa laga yaabaa in laga hor istaago saxiixa xiddiga Paris Saint Germain Kylian Mbappe sababo la xiriira go’aan la yaab leh oo ay soo saartay UEFA.
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, habka iibka United ayaa ahaa hadal heynta kubada cagta.
Qoyska Glazer ayaa markii ugu horeysay suuqa galiyay naadiga bishii November 2022 walina wax heshiis ah ma dhicin.
Toddobaadkan, waxaa jiray warar sheegaya in Sheikh Jassim uu qarka u saaran yahay inuu ku guuleysto tartanka iibsashada United.
Si kastaba ha ahaatee, tani waxay la macno noqon kartaa in kooxda Old Trafford laga mamnuuci karo saxiixa Mbappe ama ciyaartoy kasta oo kale oo PSG ah.
Si aysan taasi u dhicin, United ayaa ku qasbanaan doonta inay keento caddeymo muujinaya inay ka madax banaan yihiin milkiilayaasha Qatar ee PSG.
Related