Manchester United ayaa dhabarka loo saariyay guuldaradoodii ugu horeysay xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii ay guuldaro 2-0 kala kulmeen kooxda Tottenham oo marti loogu ahaa Tottenham Stadium.
Tababare Erik Ten Hag ayaa ku dhacay imtixaankiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka iyadoo Manchester United ay awoodi weysay inay weerar ahaan ismuujiso, xaqiiqdiina waxay ku fashilmeen inay jaanta isla helaan lixda ciyaartooy ee afka hore.
Gool uu dhaliyay Sarr iyo gool uu iska dhaliyay daafaca Tottenham Lisaandro Martinez ayay Tottenham ku garaacday Manchester United.
Manchester United ayaa ku bilaabatay ciyaarta si caaboon iyadoo qeybtii hore ay labada kooxoodba kala heleen fursado waa weyn oo goolal loo fishay.
Kubad madax aheyd oo uu qasaariyay Marcus Rashford ayaa waxaa ka sii daray Bruno Fernandes oo meel cidlo goolka hortiisa kubad madax aheyd ku helay, balse bedelkii uu dooran lahaa halkii uu shabaqa ka dhex dhigi lahaa wuxuu kubada u saaray banaanka.
Ceebtii uu dareemay ayaa keentay inuu gadaal soo eego si uu u ogaado haddii ay lacala offside ahaa balse waxaa u cadaatay inuusan offside aheyn oo uu fursad gool loo fishay qasaariyay.
Tottenham ayaa iyadana ilbiriqsiyo gudaheed birta u garaacday Manchester United labo jeer iyadoo goolhaye Onana uu sidoo kale badbaadino fiican sameeyay.
Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Afar daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Tottenham ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii kubad uu soo dhigay Kulusevski uu u dhigay Sarr kaasoo shabaqa ku hubsaday islamarkaana dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Tottenham.
Daqiiqadii 50aad Manchester United ayaa markeeda birta u garaacday Tottenham markii Anthony uu kubad gantaal ah la beegsaday goolka balse waxay ku dhacday birta ka hor inta aysan bixin.
Labo daqiiqo ka dib Onana ayaa fursad weyn ka bixiyay Bissouma oo kubad ka helay Son.
Daqiiqadii 56aad laad xor ah uu soo qaaday Fernandes waxaa madaxa la helay Casemiro laakiin waxaa u booday oo hal gacan ku bixiyay goolhayaha Tottenham Vicario.
Daqiiqadii 83aad Tottenham ayaa ciyaarta dishay ka dib markii ay heleen goolkoodii labaad waxayna aheyd hadiyad uga timid United markii Lisandro Martinez uu shabaqa iska soo taabtay.
Maddison ayaa baas dheer oo cajiib ah garabka bidix ugu dhigay  Perisic kaasoo isna kubada u sii raaciyay Davies oo gool u furnaa, laakiin Davies kubada si fiican uma taabanin waxayna u muuqatay inay goolka hormareyso balse waxaa shabaqa iska geliyay Lisandro Martinez.
Bedelo badan uu sameeyay tababare Ten Hag waxba kama aysan bedelin ciyaarta, waxayna sii dishay rajadii ay Man United ka qabtay inay ciyaarta ku soo noqoto.
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Tottenham ku garaacday Manchester United.

Related



Source link