Tony Adams ayaa ku adkaystay in la’aanta kayd fiican ay sabab u ahayd fashilkii ay Arsenal ku fashilantay ku guulaysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Mikel Arteta ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah premier League taas oo u gacan galisay Man City horyaalka premier League.
Adama ayaa sheegay in ay Arsenal lumisay horyaalka 3 bilood ka hor laakiin waxa uu amaanay sida uu Arteta kooxdiisa ugu sii hayay tartanka horyaalka.
Isagoo la hadlaya Sky Sports, kabtankii hore ee Arsenal ayaa yiri: “Haddii ay jirto hal shay oo aan jeclaan lahaa waa is badalka”.
“Waxaan ku tiirsanahay Saka iyo Martinelli inta badan xilli ciyaareedka, waxa ay ahayd in ay fursad siiyaan Emile Smith Rowe, waxa aan saka iyo Martinelli u baahnayn dhamaadka xilli ciyaareedka”.
“Waxa ay Arsenal haysatay 4 arin oo dagan waxana ahayd ahayd daafac dagan, Goolhaye kalsooni qaba, iyo khad dhexe oo isku dheeli tiran”.
“Laakiin markii ay intaas is dhimeen kooxdana soo gaadhay dhaawacyo waxa ay Arsenal horyaalka lumisay 2 ilaa 3 bilood ka hor”.
Related