Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Kooxaha Barcelona Iyo chelsea ayaa Liverpool kula biiray baacsiga xiddiga khadka dhexe ee kooxda Celta Vigo ee Gabri Veiga (Guardian).
Kooxda Tottenham ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Harry Maguire kaas oo ay doonayso in ay ku qanciso in uu sii joogo Harry Kane (Telegraph).
Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddigaha Harry Maguire, Anthony Martial, Fred, McTominay, Dean Henderson, Alex Teles, Eric Bailly Iyo Brandon Williams (Mirror).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Donny van de Beek ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Man United xagaaga (Fabrizio Romano).
Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Kai Havertz hadii ay ku fashilmaan saxiixa Harry Kane (Times).
Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhayaha kooxda Ac Milan ee Mike Maignan kaas oo diyaar u ah in uu isaga tago kooxda xagaaga (Sun).
Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ivan Fresneda kadib markii ay Valladolid ka hadhay La Liga (Sun).
Kooxda Bayern Munich ayaa dalbatay 100 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga Alphonso Davies kaas oo xiiso ka helaya Real Madrid (TZ).
Kooxda Arsenal ayaa tartan adag oo ku aadan saxiixa Youri Tielemans kala kulmaysa kooxda Roma (Gianluca Di Marzio).
Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta daafaca William Saliba kaas oo ay doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato (Sky Sports).
Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa in ay Barcelona xiddiga Raphinha ku darto heshiiska ay Barcelona ku doonayso saxiixa xiddiga Joshua Kimmich (Fichajes).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Christian Pulisic kaas oo uu Klopp taageero weyn u yahay (Relevo).
Related