Thomas Partey ayaa ka mid ah 7 ciyaaryahan oo Arsenal ah oo aan la safrin kooxda Arsenal xilli ay u duuleen USA isku diyaarintooda xilli ciyaareedka cusub.
30 jirka ayaa lala xidhiidhinayaa in uu ka tagayo kooxda Arsenal xagaagan isaga oo xiiso ka helaya kooxaha sucuudiga iyo Juventus.
Partey ayaa ka qayb qaatay kulankii ay Arsenal la ciyaartay Nurnberg Khamiistii hore laakiin waxa uu seegay safarka America ee Axada.
Ilaa haatan lama oga sababta uu Partey uga hadhay safarka ay kooxda Arsenal isagu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka America.
Xiddigaha Emile Smith Rowe, Nicolas Pepe, Cedric Soares, Albert Sambi Lokonga, Nuno Tavares iyo Reiss Nelson ayaa ka mid ah xiddigaha ka maqan Liiska u duulay USA .
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Go’doon Galisay Magaalo Ku Taalla Somaliya

Related



Source link