Thierry Henry ayaa aaminsan in kulamada badan ee ay Arsenal ciyaari doonto ay caqbad ku noqon karto fursadaha kooxda ee ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Mikel Artea ayaa ku soo laabatay champions Legaue waxana ay guul weyn ka gaadheen kooxda PSV kulankooda furitaanka tartanka.
Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii hore wareega 16-ka Europa League xilli ciyaareedkii hore Laakiin Henry ayaan hubin in ay kooxda Arsenal awood u leedahay in ay ku guulaysan karto champions League.
Mar la waydiiyay hadii ay kooxda Arsenal ku guulaysan karto champions League ayuu Henry yidhi”Wali aad ayay u horaysaa”.
“Taageere ahaan waxan doonayaa in ay Arsenal ku guulaysato champions League laakiin awooda kaydka ee kooxda ayaan u qaybsami karin in ay wada ciyaarto una tartanto dhamaantood”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link