Daafaca Chelsea Thiago Silva ayaa sheegay inuu Paulo Dybala kala hadlay suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo Stamford Bridge xagaagan, wuxuuna aaminsan yahay inay noqon doonto ‘Saxiix weyn’.
Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in ay chelsea xiiso u qabto saxiixa xiddiga reer Argentine kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo 12 milyan oo euro.
Mauricio Pochettino ayaa la aaminsanyahay in uu taageere u yahay xiddiga ay isku dalka yihiin waxana uu isku dayay in uu la soo saxiixdo markii uu hogaaminayay labada kooxood ee Tottenham iyo Paris Saint-Germain.
Dybala waxa uu haatan ku sugan yahay England isaga oo ku qaadanaya Fasax waxana uu ka qayb galay tartanka ciyaaraah Tenniska ee Wimbledon oo ka socda London.
Daafaca dhexe oo Dybala kula kulmay London ayaa sheegay in uu ku qancinayo in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Stamford Brdige.
“Waxaan halkan ku arkay Paulo Dybala, waxa aan kala hadlay imaatinka chelsea”ayuu Silva u sheegay Sky Sport.
“Waan la hadlay oo waxaan waydiiyay inuu imanayo iyo in kale. Waa ciyaaryahan heer caalami ah”.
Related