Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa qirtay in Alejandro Garnacho qaab ciyaareedkiisa bilowgii xilli ciyaareedkan uusan ahayn mid ku filan.
Xiddiga reer Argentina ayaa ku bilowday kulankii ay Man United ka badisay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa Carabao cup-ka.Ten Hag ayaa sheegay in qaab ciyaareedka Garnacho ee xilli ciyaareedkii hore aanu ahayn heerkii loo baahnaa, laakiin Tababaraha ayaa huba in uu horumarin samayn doono.
“Waad aragteen bilowgii xilli ciyaareedka, waan ciyaarsiinay, qaab ciyaareedkiisu ma ahayn mid fiican”ayuu Ten Hag yidhi.
“Laakiin waxa uu markaas sameeyay ficilo fiican, waxa aad mar walba arkaysaa in uu mar walba soo jiidanayo ciyaarta xitaa marka aanu si fiican u ciyaarin”
Related